”Waar waxaasi koob maaha!” – Scholes oo qaab qaraar ka muuqdo uga hadlay guusha Liverpool

0

(London) 27 Dis 2019 – Halyeeygii Manchester United ee Paul Scholes ayaa yasay guusha ay Liverpool ku hanatay Koobka Kooxaha Adduunka, isagoo ku kaftamay in koobkiisa badminton uu isaga uga muhiimsan yahay.

Liverpool ayaa koobka Qadar ku hanatay todobaadkii tegey, kaddib markii ay xilliga dheeriga ah ka badisay kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Yeelkeede, Scholes, oo koobkan la qaaday Man Utd sanaddii 2008-dii, ayaa liidey muhiimadda koobkan gebi ahaanba.

Isagoo la hadlayay BBC Five Live, ayuu yiri Scholes: “Waa koob aad rabto inaan hanato haddii aad halkaa tagto, balse ma aha wax aad quus u joogto ku guulaysigiisa.

“Xitaa haddii uu hadda qof ku waydiiyo ‘koobabkee ku guulaysatey sanadihii aad ciyaaraysey?’ Ma qabo inaan sheegi lahayn Koobka Kooxaha Adduunka.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media