Imaaraadka oo dood cunsuriyaysan ku dhex tuuray qorshe lagu doonayo in lagu soo nooleeyo dunida Muslimka!

0

(Abuu Dabeey) 27 Dis 2019 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash ayaa ku celceliyay in dunida Muslimku aanay wada hadli karin arrimohooda gaarka ah, Carab la’aanteed.

“Suurtagal ma tahay inuu Islaamku koco Carab oo ka maqan?… Jawaabta cadi waa maya, maxaa yeelay kala qaybin iyo cuqdadi marna ma ahayn mana noqon doonaan xal,” ayuu Gargash kusoo qoray Twitter.

Khilaafkan uu sheegayo ayaa la oran karaa waxaa iskood u bilaabay dalalka Khaliijka oo ay Imaaraadka iyo Sucuudigu ugu horreeyaan kaddib markii ay diideen isla markaana dalal kale ku cadaadiyeen ka qayb galka kulankii caasimadda Malaysia ee Kuala Lampur.

Shirkan oo lagu wada casuumey dhamaan 57 dal oo ku midaysan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa waxaa soo xaadiray 20 dal oo ay ku jiraan Iiraan iyo Turkey.

Waxaa qaaddacay Saudi Arabia, UAE, Egypt, Pakistan, iyo Indonesia, waxaa se tegey MW Iiraan ee Hassan Rouhani, Turkiga President Recep Tayyip Erdogan, iyo Amiirka Qadar ee Emir Tamim bin Hamad Al Thani.

Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa telefoon u diray RW Malaysia ee Mahathir Mohamad, isagoo kala hadlayay in shir ku qabashada meel ka baxsan xayndaabka OIC aysan ku jirin ”danta dunida Muslimku”, sida uu yiri.

Yeelkeede, ururka OIC oo saldhigta magaalada Riyaad ayaa u muuqda mid uun iska maqaar saar ah, iyadoo aanay isbeddel ogolayn dalalka Khaliijku.

Dalal uu Turkigu ugu horreeyo ayaa doonaya in dunida Muslimku ay xafiiltanto oo weji cusub la timaado, balse sida muuqata waxaa in tillaabadaa la fashiliyo loo adeegsanayaa madaxda Khaliijka oo lagu xanto inaanay abidkood yeelan aragti ka madax bannaan kursiga.

Warka Gargash ayaa durba abuuraya aragti cirqi ah oo ku dhisan ”annaga iyo ayaga” si meesha looga saaro iskaashi firfircoon oo dhaca.

Hadalsame Media