Sirta ka dambaysa soo laabashada Ibrahimovic ee AC Milan oo la ogaadey! (Wax badan ka ogoow)

0

(Milano) 27 Dis 2019 – Waxaa aad loo hadal hayaa soo guryo noqodka Zlatan Ibrahimovic ee kooxda AC Milan, waloow aan weli la xaqiijinna waxaa la sheegayaa inuu tababarka bilaabayo 30-ka Diseembar, isagoo u baahan ugu yaraan 15 beri oo uu ku caadiyeeyo xaaladdiisa jireen, maadaama aanu kubad laadin ilaa bishii Oktoobar.

Ibra oo ka faa’iidaysanaya xeerka Decreto Crescita, kaasoo laacibiinta u ogolaanaya canshuur dhimis 50% ah, ayaa 6 bilood saxiixaya, iyadoo loogu dari karo 12 kale, haddii uu bandhig wacan sameeyo. Waxaa rasmiyaynta heshiiska la dhowrayaa maanta ama berri.

Yeelkeede, soo noqodka Ibra ayay AC Milan uga faa’iidaysanaysaa arrimo badan oo aan garoonka oo qura ahayn min soo rogista caqliyad guuleed, is xilsaaris xirfadlennimo, hab-raac iyo dishibiliin iyo dabcan tayaynta waaxda weerarka ilko iyo qorshe la’aanta ah ee Milan.

Macallinka Milan ee Pioli ayaa isna lagu wadaa inuu wax ka bedelo shaxda ay kooxdu ku dheesho, iyadoo la hadal hayo inay boos waayi doonaan rag bustaha iska dhigtay kooxda, balse aan nacfi badan u lahayn sida Hakan Calhonuglu iyo Suso.

Waxaa lagu wadaa inuu u wareego shaxaha ay ka mid yihiin 4-4-2, 4-3-1-2 ama xitaa 3-4-1-2, iyadoo uu mugdi sii gelayo mustaqbalka Piatek oo lala xiriirinayo kooxo ay ka mid tahay Lipzig.

Dhanka kale, waxyaabaha soo celinaya Ibra ayaa waxaa la sheegay inay ka mid tahay inuu mustaqbalka dhow ka mid noqdo maamulka kooxda Milan, sida isagoo noqda Maareeyaha kooxda, taasoo muhim u ah qolka lebbiska.

Arrintan dambe ayaa la sheegay inay ka mid tahay waxyaabaha Ibra ku dhiirri gelinaya inuu ku qanco inuu soo laabto.

Ibra ayaa dhowr mar sheegay in Milan ay ahayd kooxdii ugu waynayd ee uu abid u dheelo.

Hadalsame Media