”Soomaalidu waxay Ayaxii iskaga celinaysaa inay cunto!” – Warbaahinta caalamka oo wax ka qortay!! + Sawirro

0

(London) 27 Dis 2019 – Warqaadka caanka ah ee Liberaalka ah ee The Guardian ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray Ayaxa faraha ba’an ku haya Somalia muddo 25 sanadood ah kaddib, kusoo qaatay arrintan cusub ee ah in ay Soomaalidu Ayaxa cunto.

Ayax cunista oo aad loogu faafiyay saxaafadda maxalliga ah ayaa muujinaysey muuqaallo laga soo duubo magaalada Cadaado ee bartamaha Somalia ilaa Burco oo ay maxalliyiintu Ayaxii ku cunayaan bariis, iyadoo uu nin ku doodayo in Ayaxa lama degaanku uu xitaa ka dhadhan fiican yahay kalluunka.

Nin kale ayaa Universal Somali TV u sheegay in cunista Ayaxu uu aad u yareeyay dhabar xanuun iyo dhiig jar hayey, iyadoo ay dadka qaarkood soo jeediyeen in makhaayaduhu ay Menu-ga kusoo daraan Ayaxa.

Wargayska ayaa sheekada cinwaan uga dhigay ”Soomaalida oo duullaanka Ayaxa dalaggooda baabi’inaya kula dagaallamaya inay cunaan.”

Si kastaba, hay’adda QM ugu qaybsan Beeraha iyo Quudka ee FAO ayaa sheegtay in Ayaxan oo fara ba’an ku haya Somalia iyo Ethiopia uu burburinayo dalagga, taasoo wax u dhimaysa amaanka cunto ee gobolka.

“Hal duullaan Ayax wuxuu cuni karaa 170,000 oo tan oo miro ah, taasoo ku filan inay sanad dhan quudiso 1 milyan oo qof,” ayuu yiri David Phiri, oo ah Isu Duwaha Gobolka ugu qaybsan FAO.

Sabtigii tegey, beeraleeyda Soomaaliyeed ayaa DF ee Somalia iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in gurmad duullaankan lagu caabbinayo lala soo gaaro, iyadoo uu haatan Ayuxu u tallaabay koonfurta dhexe iyo midda fog ee Somalia oo ay beeruhu ku badan yihiin.

Hadalsame Media