Madaxwaynaha Somalia oo aan awood u yeelan doonin magacaabistii Raysal Wasaarihii uu doono (Arag Xeerka qabyada ah)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2019 – Waxaa haatan Baarlamanka Dhexe ee dalka hor yaalla Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee heer Federal, kaasoo qabyo ah kaddib markii wax laga bedeley.

Xeerkan oo ay soo diyaariyeen Guddi Hoosaad ka tirsan Baarlamanka, ayaa lagu sameeyey isbeddello dhowr ah, kaddib markii la dhageystay aragtida xildhibaannada oo arrintan ka wada dooday.

Xeerkan cusub ayaa sidii la filayayba meesha ka saari doona in uu Madaxwaynuhu iskii u magacowdo Wasiirka Koowaad, wuxuuna si otomaatig ah uga imanayaa xisbigii ku guulaysta doorashada kaasoo noqonaya midkii ugu kuraasi bata Baarlamanka, sida ku cad qodobka 6-aad ee Xeerka cusub ee Doorashada Federaalka.

Halkan ka akhriso Xeerka oo dhamays ah

Shuruudaha iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

  1. Madaxweynuhu waa madaxa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana loo dooran karaa muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha ku xusan Qodobka 88-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
  2. Nidaamka xukunka Dawladda Soomaaliya waa nidaam Baarlamaani ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan wadajir ah ku dooranaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  3. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo raacaya sida ku xusan Qodobka 89aad ee Dastuurka, GMDQ ayaana maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka ayadoo loo fulinayo si waafaqsan Xeer Hoosaadka kulamada wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
  4. Maalinta doorashada Madaxweynaha JFS waxaa reeban hadaljeedinta murashaxiinta iskood u tanaasulay iyo marti-sharafta iyo olole kasta oo saameyn ku yeelan kara codbixiyeyaasha ilaa doorashadu ka dhaceyso, waxaana lagu faahfaahinayaa habraac ay soo saaraan GMDQ si waafaqsan Dastuurka, Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FS iyo habraaca doorashada Madaxweynaha.
  5. Murashaxa ku guuleysta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla marka la doorto wuxuu Baarlamaanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaar, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Sare si waafaqsan Qodobka 96-aad ee Dastuurka kmg.
  6. Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  7. Ra’iisul Wasaaraha la magaacaabay iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa waydiisanaya Baarlamaanka codka kalsoonida.

Dad badan ayaa qaba inay arrintani soo kordhinayso khilaafaadkii labada nin ee MW & RW, iyagoo sheegay in loo baahan yahay inay hal xisbi ka wada yimaadaan oo ay fiican tahay in Madaxwaynaha laftiisu uu si otomaatig ah uga yimaado xisbigii guulaysta.

Hadalsame Media