Somalia oo qaan loo dhaafay & hal arrin oo aan kala caddayn!

0

(Washington, DC) 18 Dis 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa sheegtay in la gaarey heshiis ah in Somalia laga dhaafo qaamihii lagu lahaa, balse ma cadda in qaamahaasi yihiin kuwa Maraykanka iyo kuwa guud.

Somalia ayaa guud ahaan lagu leeyahay daymo gaaraya $4.7 bilyan oo doollar, balse waxay Ilhaan sheegtay in qaamahaasi ay faqri ka dhigeen malaayiin Soomaali ah.

“Tani kaliya saamayn mayso Soomaalida, balse waxay taabanaysaa kumannaan Soomaali-Maraykan ah oo ku nool degmadayda balse qoys ku leh gobolka,” ayay tiri Ilhaan.

Dhawaqan ayaa imanaya maalin uun kahor kulanka Guddiga Maamulka IMF, balse waxaan kala caddayn inay Ilhaan ka hadlayso $1 bilyan oo doollar oo uu Maraykanku ku leeyahay Somalia oo guu ahaan qaanta ka ah wax ka badan 25% iyo in kale.

Afhayeenka IMF Md Gery Rice ayaa Isniintii sheegay in Guddiga Maamulka IMF uu kulmayo 18-ka Diseembar (Maanta), si uu ugu gogol xaaro sidii Somalia looga dhaafi lahaa qaamaha lagu leeyahay oo iskugu jira kuwo ay Somalia kala xaashay dal 2-aad iyo kuwo ay ku lug leeyihiin shirkado caalami ah.

Somalia ayaa awood u yeelanaysa inay hesho mashaariic ballaaran iy amaah cusub haddii qaamihii hore laga dhaafo, taasoo ay aad ugu dadaalaysey xukuumadda haatan jirta.

Hadalsame Media