”Warkiinna ma rabno!” – Farmaajo & Khayrre oo arrin dhif ah ka sameeyay Twitter-ka!

0

(Muqdisho) 18 Dis 2019 – Ilaa iyo inta uu Twitter kusoo biiray bishii Diseembar 2016-kii markii uu Madaxtinnimada u tartamayay, MW Mohamed Farmaajo wuxuu helay ilaa 274,000 oo raace, balse isagu wuxuu raacaa kaliya hal koonto.

Koontada qura ee uu raaco waa mid uu xafiiskiisu maamulo waana midda Villa Somalia, taasoo aan xitaa qof nool ahayn.

Sidaa darteed, waxaa la oran karaa Madaxwaynuhu farsamo ma akhriyo tweet-ka qof kale, maadaama aanu qof kale raacin, wuxuuna sameeyay 544 taweet tan iyo 30-kii bishii Nofeembar.

Waxaa badiyaa koontada Madaxwaynaha raaca madaxda dowladdiisa oo uu ka mid yahay RW Hassan Kheyrre, oo laftiisu laba koonto uun raaca; Villa Somalia iyo Somalia PM oo uu xafiiskiisu leeyahay. Kheyre waxaa raaca in ku dhow 78,000 oo raace.

Arrintan ayay dad badani la yaabeen, balse Thefrontiere ayaa sheegay in MW Farmaajo uusan malaha doonayn inuu ku mashquulo farriimaha dadka kale.

Khayrre ayaa isna sidoo kale ah, waana arrin naadir ah inay isugayn ahaan raacaan 3 koonto oo ay isla iyagu maamulaan.

MW Maraykanka ee Donald Trump, oo ah hoggaamiyaha ugu raacayaal badan caalamka oo idil, ayaa kaliya raaca 47 koonto.

Hadalsame Media