Dimuqraadiyaddu waxay ka mid tahay waxyaabaha aannu beenta ka sheegno!!

0

(Hadalsame) 18 Dis 2019 – Dimuqraadiyadda reer Galbeedku gurigooday ka soo bilaabataa. Ilmaha iyagoo yaryar ayey cod leeyihiin. Maalintay xoogaa weynaadaan iyagaa si buuxda isu maamula.

Ilmaha 15 jirka ah markuu diidayo go’aan aabihiis ama hooyadiis qaateen, miiska ayuu soo fariisiyaa.

Sidii laba dawladood ama shirkadood ayaa loo wada hadlaa. Waalidku sababta ay wax u diideen ayey caddaymo iyo sharraxaad ka bixiyaan.

Ilmuhu jawaabo iyo su’aalo ayuu daba dhigaa. Meeshaas waxaa ka soo baxa heshiis ama xeer lagu wada dhaqmo. Ballamadaas ayaa lagu wada socdaa.

Ma aqaan inay noloshoodii guriga ay siyaasaddooda u gudbiyeen, iyo inay toodii siyaasadda guriga dib ugu celiyeen, laakiin annagu waxaan leenahay xildhibaanno habeenkiina ilmahooda 20 jirka ah iyo hooyadiisba soo garaaca, subixiina dimuqraadiyad, xeer hoosaad iyo xuquuqul insaan ka sheekeeya.

Sax iyo khalad intaan la isla gaarin, horta bal nolosheenna kala qoqoban ha la isu soo dhaweeyo.

Waxaa Qoray: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media