DF oo ballaarinaysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde

0

(Muqdisho) 14 Dis 2019 – Dowladda Soomaliya ayaa waddo qorshe lagu balaarinayo Garoonka Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bishan uu bilaabanayo qorshe lagu balaarinayo garoonka Aadan cadde, isagoo xusay in taasi ay bilaaban doonto bartamaha bishan aynu ku jirno ee December.

“Nabadda oo sii kororta, Diyaaradihii oo sii batay, dhaqaalihii oo batay, garoonkana in uu sii weynaado ayay ahayd,  runtii meel aan ku sii weyneyno oo badan ma jirto ,laakiin  waxaa jira heshiis aan la galnay shirkadda garoonka maamusha, taaso oo balaarin doonto garoonka dhulka aan heysano iyo qeyb ka mid ah dhanka badda la duugo, mustaqbalka runtii garoonka wuu yaraanayaa Caasimadda, waxaana loo baahan doonaa in la dhiso garoon kan ka casrisan kana baalaran Insha Allah” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Horey waxaa u jiray qorshe ay isku raaceen Dowladda Soomaaliya iyo tan Turkiga, oo garoon cusub looga dhisi lahaa dhanka waqooyiga Muqdisho ee xadka gobolka Shabeellaha Dhexe, balse illaa iyo hadda lama oga halkii uu ku dambeeyey mashruucaasi.

Wasiirka Oomaar ayaa bishii Oktoobar sheegay in ay Wasaarddiisu diyaarisay injineerradii dhisi lahaa garoonka cusub oo soo afjarmi lahaa inta lagu jiro sanadkan 2019, taasoo aan u ekayn arrin markii horeba macquul ahayd.

Hadalsame Media