RW Khayrre oo ku dhaqaaqay arrintii uu u tegey dalka Qadar + Sawirro

0

(Dooxa) 14 Dis 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa.

Madasha Dooxa oo qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayrre ayaa Madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017-kii.

Warar hoose ayaa sheegaya in Mudane Xasan Cali Khayrre uu booqashadiisa Dooxa uu uga faa’iidaysan doono in uu la kulmo madaxda dalkaasi, si looga wada hadlo arrimo dhowr ah oo ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay Qadar Somalia ka waddo mashaariic kala duwan oo horumarin iyo aadminnimo iskugu jira.

Warar kale ayaa tibaaxaya in uu Khayrre halkaa u tegey arrimo ku aaddan doorashada soo socota ee madaxtinnimada oo laga yaabo inuu ka mid noqdo musharrixiinta ku hardamaysa.

Hadalsame Media

Facebook Comments