Maamulka Puntland oo weji gabax kala kulmay is hortaag uu ku samayn lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Somalia

0

(Gaalkacyo) 14 Dis 2019 – Maamulka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inuu isku dayay balse uu ku fashilmay tillaabo uu ku doonayay is hortaag ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka Somalia, Jen. Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay u diidi lahaayeen gelitaanka degaanka Towfiiq oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Waxaa dhowaan halkaa oo ka tirsan Bariga Mudug gaarey taliyaha iyo wefdi isaga la socda, iyadoo uu ujeedku yahay in la joojiyo dagaal micne darro ah oo halkaa ka dhacay kaasoo geystay khasaare badan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Ujeedka Ciidamada ayaa ah in dagaalkaa la hakiyo iyadoo maliishiyaadka dagaallamaya lakala qaadayo.

Yeelkeede, Taliyaha iyo ciidankii uu watay oo shalay gelinkii dambe u amba baxay dhanka degaanka Towfiiq ayay rag ka tirsan maamulka Puntland isku dayeen inay is hor taagaan, waxaana goobta tegey Guddoonka Mudug dhanka Puntland iyo Wasiir ka tirsan maamulkaasi oo dadwaynaha u sheegay inaysan iman karin Ciidamada Xooggu.

Marka ay halkaa taagnayd ayay dadwaynihii degaanku si cad u diideen tillaabada aan ujeedkeeda la fahmi karin ee maamulka Puntland, waxayna u sheegeen inaysan caqli ahayn in la isku daawado dadka dagaallamaya oo aan waxba laga qaban ilaa haatan, maadaama aysan tillaabo qaadin Puntland iyo Galmudug isla markaana la diido tillaabada DF Somalia.

Waxaana haatan ugu dambayn halkaa tegey kolonyadii Taliyaha Ciidanka Lugta oo gudaha u galay haatan degaanka Towfiiq, isagoo la kulmaya odayaasha dhaqanka iyo dadwaynaha.

Dad badan ayaa la yaabban sababta Ciidankii Dalka uu maamul u faragelin karo dhaqdhaqaaqiisa, taasoo gebi ahaanba ka horjeedda Dastuurka Dalka, iyadoo aanay ciidamadu weli ku wada sugnayn dalka, khilaafyada noocan ah dartood.

Hadalsame Media