Turkiga oo saadaalinaya inay Somalia isbeddel wayn samaynayso 20-ka sano ee soo socda (Carabta oo ka welwelsan)

0

(Hadalsame) 12 Dis 2019 – Turkiga oo ah dal horumar ballaaran ka samaynaya dhinac kasta ayaa haatan lagu tilmaami karaa dalka qura ee saaxiib dhaqan iyo mid istaraatiji ah la ah Somalia, taasoo ah arrin ay tahay in aad loogu fara adaygo maadaama uu Turkigu yahay dal laga faa’iidaysan karo wax badan.

Waxaa jira siyaasiyiin lagu shaqaysanayo si ay fursaddaa daaqadda uga tuuraan, waxaana dalalka arrintan ku howllan koow ka ah Imaaraadka iyo dalal kale oo Carbeed.

Gayfane Carab ah ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in soo gelitaankii Turkiga ee suuqa Soomaaliya oo ay markii hore qaab gargaar ku soo galeen ay faa’iido wayni ugu jirto Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in khubarada Turkidu ay saadaalinayaan in 20-ka sano ee soo socota ay Soomaaliya noqon doonto waddan ilbax ah. Bravo.

Dalal badan oo Carab ah ayaa muujinaya hab-dhaqan ah inay Somalia mar kasta meel hoose taagnaato oo ay ku maadsadaan waxayna taa u maraan isla Soomaalida lafteeda, iyadoo caadiyan ay dalalka lacagta haysta ee Carbeed sida kuwa Khaliijku aysan inta badan Somalia siinin mashaariic horumarineed, balse taa biddaalkeeda lacago jeebka uga buuxiya madaxda dantood eegtayaasha ah ee halkaa booqda.

Hadalsame Media