DABIN KALE: Fannaan BK oo taageero u muujiyay CUNSURI wayn! (Daawo)

0

(London) 12 Dis 2019 – Fannaanka wayn ee caanka ah ee Maxamed Siciid BK ayaa taageero u muujiyay nin cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka lagu yaqaano oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee dalka Ingiriiska.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa lagu arkay Zac Goldsmith oo la taagan BK, isagoo fanaanku dadka Soomaalida ah ka codsaday in ay taageeraan siyaasiga iyo xisbigiisa, xili ay dad badani dhib kala kulmeen hadaladiisa iyo ficilada xisbiga uu kasoo jeedo ee Conservative Party.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalo kulul ku duray fanaan BK, iyagoo is-waydiiyay in uu u badheedhay iyo in aanu waxba kala socon ninka uu muuqaalka la duubay.

Lama oga in BK ay tillaabadani aqoon darro ka ahayd iyo inuu ku baraarugsan yahay, balse aanu dan ka gelin, waloow ay tan dambe u badan tahay, maadaama uu ninkani caan ku yahay cunsuriyadda iyo Islaam nacaybka.

BK ayaa beri hore duufaan cambaarayn ah mutay kaddib markii uu si shaac ah u sheegay in uusan u ”baahnayn dadka reer Muqdisho”, taasoo ay dad badani la yaabeen.

Xigasho: Saab TV

Hadalsame Media