LA YAAB: Barasaabka Nairobi oo sheegay inuu qabo HIV-AIDS!!

0

(Nairobi) 12 Dis 2019 – Barasaabka Nairobi ee Mike Sonko ayaa shalay xabasiga damiin looga soo saaray iyadoo loo dhigay isbitaalka kaddib markii la helay dokumentiyo caddaynaya inuu qaaday cudurka HIV-AIDS 18 sanadood kahor.

Dhakhaatiirta isbitaalka Kenyatta National Hospital, ma aanay sheegin waxa ay ka dawaynayaan, balse kaaliyeyaasha Sonko ayaa sheegay in uu ka cabanayo xabad xanuun iyo dhiig kar.

Sonko ayaa ku xirnaa xabsiga Kamiti Prison isagoo sugayay codsi damiin ah oo uu soo qoro Garsooraha Guud ee Douglas Ogoti.

Wuxuu u xirnaa eedaymo la xiriira musuq iyo lacag dhaqis iyo sharci darro ku qaadashada hanti dowladeed, inuu saaxiibtinimo dhul ku kireeyay, dokumentiyo been abuur ah iyo ku takri falka miisaaniyadda magaalada.

Yeelkeede, waxaa dadka soo jiitey codsi uu 44-jirkani qoray 18 sanadood kahor oo uu xilligaa ku codsanayay in xabsi laga sii daayo maadaama uu qabo ilaa 4 cudur oo noloshiisa halis ku haya.

Dokumenti ay heshay Star, ayaa sheegaya in 2001-dii uu Sonko sheegtay ba’ iyo hoog si xabsiga looga sii daayo, waxaa ka mid ah cudurrada uu sheegtay AIDS, Qallal, Tiibisho raagtey iyo Boog Calooleed.

Mar uu barnaamij la hadlayay 24-kii bishii tagtay ayaa la hor dhigay inuu xaaladdiisa ka been sheegay 18 sanadood kahor, balse wixii ku dooday in haatan taa laga soo gudbey, balse haddii dembi lagu soo oogo uu maxkamadda imanayo.

Hadalsame Media