Wadaad Yuhuudi ah oo dadka madowga ah ”daanyeerro” ku tilmaamay (Kuwii difaacayay oo kasii daray!)

0

(New York) 12 Dis 2019Wadaad Yuhuudi ah oo la yiraahdo Yitzhak Yosef ayaa la kulmay dhaleecayn ba’an kaddib markii uu munaasabad uu ka hadlayay uu todobaadkii tegey ka sheegay in dadka madowga ihi ay daanyeer yihiin, weliba jeer uu jeedinayay ”wacdi” ku saabsan wax uu ku sheegay ”barakada” ku jirta geedaha ubaxa saara xilliga lagu jiro bisha Cibraaniga ee Nisan.

Muuqaalka munaasabadda ayaa la dhigay warqaadka Ynet. Ninkan ayaa ka hadlay ilmaha madowga ah ee ay korsadaan qoysaska caddaanka ah, kuwaasoo uu ku tilmaamay ”daanyeerro”, isagoo weliba adeegsadey erayga ”kushi” oo af Cibraaniga ku ah madoow, isla markaana loo arko kelmad cunsuri ah oo la mid ah negar.

Waxaa kasii darnayd markii uu xafiiskiisu isku dayay inuu arrintan sharroxo ee uu ku dooday in Yosef uu soo xiganayey buugga Talmud, oo ah mid ay Yuhuuddu leedahay oo ka hadla shuruucda iyo dhaqamadooda, balse aad loo naqdiyo anshax ahaan.

Ururka Anti-Defamation League, oo ah urur saldhigta New York oo ay isla Yuhuuddu leeyihiin, ayaa arrintan ku tilmaamay mid aan “gebi ahaanba la aqbali karaynin.”

Hadalsame Media

Facebook Comments