Doorashada UK oo soconaysa & Xisbi sameeyay ballanqaadyo Soomaalida anfacaya

0

(London) 12 Dis 2019 – Waxaa saaka loo dareeray doorashada guud ee dalka Britain, taasoo aan weli natiijadeedu kala caddayn.

Yeelkeede, waxaan eegaynaa ballanqaadka Xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ee dalka UK.

Xisbiga Labour ee dalka UK oo aan mudo sagaal sano ah qaban talada UK ayaa sameeyay ballanqaadyo ay u riyaaqeen dadka danyarta.

Ballanqaadyada Xisbiga waxaa ka mid ah:

1. Jaamacadaha oo lacag la,aan laga dhigayo
2. Internet bilaash ah oo guryaha la galinayo
3. Lacagta lagu shaqeeyo saacadii oo ugu yaraan £10 ahaan doonta

4. Guryo badan oo kuwa doowlada ee raqiista ah oo la dhisi doono
5. Cuntada iskuulada hoose oo bilaash noqon doonta

6. Hagaajinta waaxda caafimaadka

Sidaa darteed, xisbiga shaqaalaha ayaa u muuqda mid aad uga tarjumaya danaha danyarta oo ay Soomaaliduna ka mid tahay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media