FAALLO: ”Ma aha in 4.5 looga guuro nidaam kasii cadaalad daran!”

0

(Hadalsame) 13 Dis 2019 – Awood qeybsiga… raalli ahow. Awood qeybsi ma aha.
Aan ugu yeero waxa 4.5 uu yahay, oo ah kuraas qeybsi.

Kuraas qeybsiga 4.5 wuxuu na taray laba waxyaabood oo dalka muhiim u ah.

In qabaa’ilkii hubeysnaa aanay u suurta gelin in inta kale ay u yeeriyaan sida wax loo qeybsanayo. Iyo in uu dhismo, nidaam Dowladeed oo aan isla oggol nahay, shaqeeynayana.

Waan qiran ahay in kuraas qeybsiga ku saleysan 4.5 ee Aqalka Hoose ee Baaralamaanka Federaalku aanuu caddaalad ahayn.

Intaasi waa runta barkeed.

Run kale ayaa ah in 4.5 caddaalad darro ka darani ay dalka ka jirto.

Waa nidaam ay qolo u yeeriso qolooyinka kale, lagana yeelo, cududdeeda ciidan awgeed.

Eeg Baarlamaannada kale ee dalka ka dhisan qaarkood.

Caddaalad darrada 4.5 laga sheeganayo, bal barbardhig ismuquuninta Baarlamaannada kale ee dalka ka jira badankood.

Aan ka guurno 4.5 laakiin yeynaan uga guurin nidaam ka sii caddaalad liita.

Qofkii yiraahda 4.5 waa laga guurayaa, iyada oo aan dadweynaha degmooyinka dalka la tirokoobin, cod bixiyayaashana aan la diiwaan gelin, ogaal ama ogaal la’aan, wuxuu roog cas u dhigayaa caddaalad darro ka darnaan karta 4.5.

Halisteedu waxay keeni kartaa in nidaamka dalku uu lumiyo xalaalnimada aan haddaba buuxin ee Dowladda.

Aan ka guurno 4.5 oo aan uga guurno doorasho qof iyo cod ah, dhab ah oo aan ahayn laablakac.

Dhab ah waxaan ula jeedaa mid qabsoonta marka aan suurta gelinno oo aan qabanno shaqooyinka ka horreeya ee nabadgelyada, tirakoobka iyo diiwaan gelintu ay ka mid yihiin.

Taas oo ku billaabaneysa doorasho heer degaan oo ay caasimaddu ka mid tahay, si wax looga barto, axsaabta siyaasadda oo hal beel u badanna loo kala reebo.

In aan dhaliiliha 4.5 muujinno oo ku celcelinno keliya iyo in aan caashaqno doorasho qof iyo cod ah oo aan ku celcelinno, nooguma filna in aan ka tallaabsanno meesha aan hadda joogno ugana tallaabsanno meel ka wanaagsan.

In la qabto doorasho qof iyo cod ahi waxay rabtaa go’aammo wadar oggol ah, shaqo adag iyo daahfurnaan.

Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media