Jarmanka oo lacag dheeraad ah ku bixinaya tababarka & tayaynta Booliiska Somalia

0

(Berlin) 11 Dis 2019 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jarmanka ayaa sheegtay inay 1 milyan oo euro ku bixinayso tababarka Booliiska Somalia.

Xafiiska QM ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS), ayaa Twitter-ka ku faafiyay in lacagtan dheeraadka ihi ay wax ka tarayso qorshe ay wadajir u wadaan oo lagu xoojinayo nabad dhisidda iyo xasilloonida Somalia.

Barnaamijkan ayaa daboolaya tababarka saraakiisha cusub, taasoo qayb ka ah qorshaha Kala Guurka Qaran ee loogu tala galay in si tartiib tariib ah mas’uuliyadda amaan ee Somalia loogu wareejiyo ciidamada Somalia.

Todobaadkii tegey waxaa tababar asaasi ah loo bilaabay ilaa 250 askari oo ku sugan magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle State.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay in marka ay tababarka dhamaystaan ay adeegyo dowladeed bixiyaan, waxaana maalgelinaya Midowga Yurub, iyadoo ay fulinayaan QM, DF Somalia iyo AMISOM.

Dalka Jarmanka ayaa had iyo goor ahaa dalka 1-aad ee taageera Booliiska Somalia, kahor burburkii.

Hadalsame Media