MAALINTII KALA BAXA: Doorashada Britain oo berri ballansan (Sidee xisbiyadu ilaa haatan u kala horreeyaan?)

0

(London) 11 Dis 2019 – Waxaa berri loo dareerayaa doorashada degdegta ah ee Britain, iyadoo sida codadka la ururiyay ee aragtida dadwaynaha ka muuqata uu aqlabiyadda saacadihii dambe la wareegey Boris Johnson.

Yeelkeede, Jeremy Corbyn iyo xisbigiisa Labour Party ayaa laftoodu sare u socda, jeer ay saacado uun ka hareen doorashada berrito, sida ku cad codad ay qaadday Opinium intii u dhaxaysey Diseembar 10-11.

Xisbiga muxaafidka ah ee Tories ayaa haatan dhanka aragtida dadwaynaha ku hoggaaminaya 45%, iyagoo hal dhibic hoos uga dhacay qiimayntii todobaadkii tegey.

Labour ayaa 2 dhibcood sare u kacay wuxuuna leeyahay 33%, taasoo Tories siinaysa hoggaan 12 dhibcood ah.

Ha yeeshee, waa in xisaabta lagu daraa inay jiraan 10-kii qofba mid ka mid ah oo aan weli go’aansan ciddii uu u codayn lahaa, taasoo bedeli karta natiijada saadaasha ah.

Haddii se ay sidani hirgasho waxaa markaa dhacaysa inuu guulaysto xisbiga Mr Johnson taasoo ka caawinaysa inuu dhaqan geliyo Brexit oo uu Labour-ku doonayo inuu afti ku celis ah qabto haddii uu guulaysto.

Hadalsame Media

Facebook Comments