Beesha Caalamka oo si rasmi ah u bilowday kulamo ay la yeelanayo Maamul-goboleedyada, qorshaha

0

(Hadalsame) 11 Dis 2019 – Jeer uu sii dhamaanayo sanadka 2019-ku, waxaa Baydhaba oo hadda looga taliyo KG ku kulmay qaar ka mid jaalalka caalamiga ah ee saaxiibka la ah Somalia, taasoo qayb ka ah wadatashiyo dhowr ah oo lagu wajahayo saamileeyda siyaasadda iyo gobollada federaalka ah.

“2020 waa u muhim Somalia, markaasoo ay soo afjarmayaan dhowr geeddi socod. Geeddi socodyadan waxay asaas u noqon doonaan Somalia oo isku raacda dastuur, qabashada doorasho qof iyo cod ah, la dagaallanka Al Shabaab, iyo u gogol xaarista dayn cafinta Somalia,” ayuu yiri ergayga QM ee Somalia, James Swan, oo wefdiga u hadlay.

“Ka jiba keenidda arrintani waxay u baahan doontaa iskaashi ay yeeshaan dhamaanba saamilayda Soomaalidu, waxayna si gaar ah ugu baahan tahay hoggaanka DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada,” ayuu daba dhigay, “Si arrimahan looga hadlo, waxaan dhiirri gelinaynaa in saamileeydu ka wada hadasho – waxaa taa ku jira DF, Maamullada, bulshada rayidka ah iyo dadka Soomaaliyeed.”

Ergayga QM ayaa u hadlayay wefdiga Beesha Caalamka sida: Danjiraha Midowga Yurub (EU) ee Somalia, Nicolas Berlanga, Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Francisco C. J. Madeira, iyo sarkaal sare oo ka socdey ururk IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Intii ay Baydhaba joogeen waxay la kulmeen MW Maamulka KG Somalia, Md Abdiaziz Hassan Mohamed ‘Laftagareen,’ odayaasha dhaqanka iyo wakiillo ka socdey bulshada rayidka si ay uga caawiyaan inay si wanaagsan u fahmaan fursadaha iyo caqabadaha jira marka la eego fulinta dhowr geeddi socod oo la doonayo inay hirgalaan sanadka xiga ee 2020.

“Waannu qiimaynaynaa soo dhowaynta diirran, waxaana abaal u haynaa maamulka, odayaasha iyo bulshada rayidka waqtiga noo siiyay inaan la kulanno,” ayuu yiri Mr. Swan, oo intaa raaciyay in uu wefdigu sidoo kale la kulmi doonaan maamullada kale, si buu yiri ay usii joogteeyaan taageerista sidii loo fulin lahaa muhiimaadka qaran ee 2020.

Hadalsame Media