Gabar Maraykan ah oo ku marqaati furtay walaalkeed si ay ugu hiilliso wiil Soomaali ah! (Maxaa dhacay maxaase ka dhexeeyay?)

0

(Portland) 11 Dis 2019 – Dacwad qaadista dilka uu gaystey Mark Cardilli Jr. ayaa bilaabatay waxaana dadka la dhegeystey ka mid ah walaashii oo iyadoo ooyaysa marqaati furtay, iyadoo ku marqaati furtay walaalkeed oo ay sheegtay inuu toogasho ku diley Isahak Muse bishii Maarso.

Iyadoo ka jawaabaysey su’aalaha qarreenka dacwadda oogaya, Chelsey Cardilli ayaa daboolka ka qaadday in walaalkeed oo 25-jir ah iyo aabeheed ay si cad u diideen inay xiriir la yeelato Muuse oo ahaa wiil Soomaali ah oo 23-jir ahaa.

“Markii uu isagu [Mark] ciidamada ku biiray, ayay ahayd marka uu is bedeley xiriirkii naga dhexeeyay labadeenna,” ayay tiri Cardilli oo ooyin la fuursan.

Marqaatiga Chelsey Cardilli ayaa bilow u noqonaysa dacwadda ka dhanka ah walaalkeed Mark Cardilli Jr., oo ku eedaysan inuu Muuse ku dhex toogtay isla gurigooda oo ku yaalla Milton Street saacadihii hore ee Maarso 16. Cardilli ayaa dembiga dilka dafirsan.

Chelsey Cardilli ayaa sidoo kale soo bandhigtay tafaasiil dheeraad ah oo ay ku jiraan farriimihii ay is waydaarsadeen iyada iyo aabbeheed oo aad uga xumaa xiriirka gabadhiisa 17-jirka ah iyo wiilka Soomaaliga ah.

Cardilli iyo Muuse — oo ay ugu yeerto “Ikey” — ayaa isi shukaansanayay tan iyo gugii 2018-kii, wuxuuna guriga qoyskeeda si joogto ah u imanayay min 2018 ilaa horraantii 2019 — 3-4 jeer todobaadkii — isagoo habeennada qaar la hoyanayay jeer aanu aabeheed raalli ka ahayn arrintaasi.

Odayga oo la keenay Maxkamadda Cumberland County Talaadadii, laguna magacaabo Mark Cardilli Sr. wuxuu ku qiil samaystay inuu moodayay inuu wiilkiisu qoriga ku cabsiinayo ee aanu dili lahayn.

Hadalsame Media