Maliishiyada SYL weerartay oo adeegsadey xeelad cajiib ah (Hab-raac xumo amaan & habacsanaan)

0

(Muqdisho) 10 Dis 2019 – Waxaa caawa dhacay weerar lagu qaada hoteelka SYL oo ku yaalla meel dhagax la tuuro u jirta Madaxtooyada qaranka ee Villa Somalia.

Weerarkan oo ay Booliisku sheegeen inay badbaadiyeen ilaa 82 qof, sidoo kalena ay dileen qaar ka mid ah dableeydii weerarka soo qaadday ayaa muujiyay habacsanaan iyo nidaam xumo amaanka burrinaysa (security breach).

Waxaa la sheegay in maliishiyadu aanay adeegsan gaari miinaysan sidii dhici jirtey, balse ay si fudud iskaga soo galeen meeshii laga sugayay amaanka hoteelka, kaddibna ay bilaabeen inay tuuraan bambooyin gacmeed iyo rasaas.

Sidee kusoo galeen? Ciidamadan ayaa la sheegay inay soo gelitaanka u sahashey ciidamado fara badan oo qaab dhaboollaq ah markasta u dhooban barxadda gawaarida la dhigto iyo jidka u dhow hoteelka, kuwaasoo badiyaa u yimaada ilaalo ahaan maadaama ay meesha madaxi timaado, balse waxaa sidoo kale jira ciidamo goobta iska yimaada.

Arrintan ayaa muujinaysa inuu aad u habacsan yahay hab-raaca amaan, xilli ay sanadkii 13-aad weerarradani socdaan oo loo baahnaa in xilligan ay waayo arag noqdaan ciidamada amaanku.

Marar badan ayay dad aannu waraysannay nooga sheekeeyeen sida aan xirfadlennimada ahayn ee loo wajoho mas’alooyinka amaanka, waxaana weerar halis ah oo looga faa’iidaystey habacsanaan noocaas ah kii ugu dambeeyay ku dhintay Guddoonkii hore ee Gobolka Inj. Yariisow iyo madax kale.

Hadalsame Media