DEG DEG: Ciidamada Sucuudiga ee Maraykanka tababarka u jooga oo dhibaato lasoo deristey (Go’aan soo baxay)

0

(Pensacola) 10 Dis 2019 – Ilaa 175 arday oo Sucuudiyaan ah oo wax ka baranayay dugsi Ciidamada Cirka ah oo ku dhex yaalley saldhig Ciidamada Badda ah ayaa la fariisiyay.

Tillaabadan oo lagu tilmaamay “mid badbaado iyo amaan ah,” ayaa imanaysa maalmo uun kaddib markii uu weerarka qaaday Gaashaanle ka tirsanaa Ciidamada Cirka Sucuudiga oo goobta waxbarasho u joogey, kaasoo la yiraahdo Mohammed Alshamrani oo weerarka ka gaystey saldhig ay Ciidamada Badda Maraykanku ku lahaayeen Pensacola, Florida.

“Hakad ayaan geliney ardaydii Sucuudiyaanka ahayd ee halkan wax ka baranaysey,” ayay tiri afhayeenad u hadashay Ciidamada Badda, Gaashaanle Andriana Genualdi oo u warrantay Reuters goordhow.

Waxay sheegtay in meelaha waxbarashada laga joojiyay ay ka mid yihiin saldhigyada Naval Air Station Whiting Field, Naval Air Station Mayport iyo Naval Air Station Pensacola, kuwaasoo wada ah dugsiyo cireed ay leeyihiin ciidamada baddu.

Alshamrani, ayaa la toogtey intii uu socdey weerarkii uu qaaday Jimcihii oo uu sidoo kale ku diley arday wax la baranaysey oo ilaa 3 ahayd, 5 kale ayaa ku dhaawacantay.

Hadalsame Media