RW Canada oo la sheegay inuu qaadanayo diinta Islaamka + Sawirro

0

(Otawa) 08 Dis 2019 – RW Canada, Justin Trudeau, oo sidoo kale lagu naanayso “Obama-ha Canada”, ayaa la sheegayaa inuu ka fikirayo inuu qaato diinta Islaamka.

Shir jaraa’id oo soconayay 13 daqiiqadood ayuu Trudeau ku sharraxay sida uu u arko Islaamka iyo Muslimiinta.
“Kaddib markii aan la kulmay kumannaan qaxooti Suuriyaan ah, oo aan dhegeystey sheekooyinkooda iyo diinta Islaamka, waxaan ogaadey in Islaamku uu ku baaqo nabad, oo weliba uu ka nabad jecel yahay Masiixiyadda, waxaana isku qori karaa safkooda,” ayaa lagu qoray vaticanenquirer oo soo xigtey theglobalsun.com

Intii uu shirka jaraa’id qabanayey, Trudeau ayaa ka meermeeray su’aalo ku aaddan xaaskiisa Sophie, iyo carruurtooda oo laga waydiiyay inay iyaguna qorshahan kula jiraan.

Vatican Enquirer ayaa sheegay inuu ogaadey in RW uu haatan seexdo sariir iyo qol gaar ah, mararka qaarna uu guri gaar ah seexdo, balse ma aha war la xaqiijin karo.

Hadalsame Media