DAAWO: Baarlamanka oo muujiyay inuu doonayo waqti kororsi (Qodob aan la ogayn oo ay ansaxsadeen)

0

(Muqdisho) 08 Dis 2019 – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muujiyay inuu samayn karo ama doonayo muddo kororsi, waxaana la yaab leh inaysan shacabku ka war qabin in Baarlamankii 9-aad uu ansixiyay qodob u ogolaanaya muddo kororsi.

Arrintan wax wacaal ah lagama hayo, waxaana hadda dhici karta in Baarlamanka fadhiya uu guddoonsado inuu muddada kororsado isagoo ka faa’iidaysanaya qodobkan sida hoose loogu daray xeer hoosaadka Baarlamanka.

Marmarsiinyaha ay adeegsanayaan wuxuu noqonayaa in maadaama aan waqtiga harsan lagu soo diyaarin karin doorasho qof iyo cod ah in loo kordhiyo muddo 2 sano ah si taa loo hirgeliyo mudadaasi.

Waxaa kale oo la yaab ah oo aan la garanaynin sida ay madaxada sare wadanku ku aqbali karayaan baarlamaankan ayaa joogaya inta qof iyo cod laga gaarayo, maadaama ay ku jirto in Madaxwaynaha iyo Gudoonkuba ay doorasho aadayaan.

Hadalsame Media