Erdoğan oo dadka xusuusiyay qaaciddo haddii la raaco aan dunida Muslimka lagu arki doonin qof FAQRI ah!

0

(Istanbul) 08 Dis 2019 – MW Turkiga ee Tayyip Erdoğan ayaa dunida Muslimka ugu baaqay in ay hubiyaan heerka nololeed ee shucuubtooda isla markaana hagaajiyaan daryeelka iyo adeegga bulshada, iyagoo abuuraya heer dhaqaale oo wanaagsan, taasoo imanaysa kaliya haddii la dhaqan geliyo aragtida Islaamiga ah ee qabta in kuwa ladani caawiyaan kuwa liita.

Mar uu ka hadlayay Shirka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo lagu qabtay Istanbul maanta oo Axad ah, wuxuu Erdoğan tusmeeyay in dalalka Islaamku aanay si ku filan ugu dadaalaynin dadkooda.

“21% ka mid ah dadka dalalka OIC oo guud ahaan gaaraya 350 milyan oo Muslim ah, waxay la hardamayaan nolosha iyagoo ku nool xaalad aad faqri u ah, waxaan u baahan nahay in aannu si furan uga hadalno arrimahaas,” ayuu yiri Erdoğan.

Wuxuu sheegay in farqiga u dhexeeya dalalka ladan iyo kuwa liita uu ka badan yahay 200%:

“Haddii ay Muslimiintu dhiibaan sakada lagu sheegay tiirka 4-aad ee Islaamka, kaddib lamaba heli lahayn Muslim faqri ah oo jooga dal Muslim ah,” ayuu daba dhigay.

Wuxuu dunida Muslimka ugu baaqay inay la yimaadaan iskaashi, horumar dhaqaale, sarena loo qaado heerka daryeelka iyo adeegyada bulshada.

“Dalalka Muslimku waxay leeyihiin khayraad fara badan oo dabiici ah, waxayna ku yaallaan goobo istaraatiji ah, waana badan yihiin oo waa 1.7 bilyan oo qof, waxay kaloo leeyihiin raasumaal dad oo aad u ballaaran,” ayuu ku dooday Erdoğan.

Erdoğan ayaa sheegay in 65% saliidda dunida iyo 55% gaaska dabiiciga ah ee dunida oo dhan ay gacanta ku hayaan Muslimiintu, balse ay dhaqaalaha dunida ka haystaan wax ka yar 10%, halka Yurub oo dunida ka ah 7% ay dhaqaalaha dunida ka haysato 22%. Maraykanka kaligiina uu haysto 24%.

Wuxuu dunida Muslimka u jeediyay inay runta wajahaan, isna canaantaan oo fadhiga ka kacaan.

Hadalsame Media