Hoggaamiye Afrikaan ah oo sameeyay arrin aad loo hadal hayo (Akhri sheekada ku hareeraysan)

0

(Muanda) 08 Dis 2019 – Waloow uusan sidaa jamaahiirta uga soo dhex muuqanin tan iyo markii uu xilka ka degey, Joseph Kabila oo ah madaxwaynihii hore ee DRC Congo ayaa ku dhaqaaqay arrin aad loo hadal hayo.

Kabila ayaa magaalada kusoo dhex maray baando mootooleey ah, isagoo xiran ookiyaalo dugul ah, isla markaana dhegta haysta mooto ballaaran – nooca Honda American Shadow – Joseph Kabila ayaa saaxiibadii kusoo wareejiyay jidadka Muanda, oo ah magaalo dhacda bartamaha DRC Congo.

Sawirrada ayaa wiifaya baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter, halkaasoo ah meesha uu bilowgiiba soo dhigay isla Kabila.

MW hore ee Congolese-ka ayaa markii uu sidan sameeynayay oo Sabtigii hore ah tegey La Beviour Hotel oo ah hoteel uu Muanda ka sameeystay walaalkii ka yar Zoé Kabila, kaasoo sidoo kale ah barasaabka gobolka Tanganyika, oo ka mid ah 4 gobol oo loo qaybiyay gobolkii waynaa ee Katanga.

Kooxda uu la socdey oo la yiraahdo Club des Motards de Kinshasa (CMDK; Kinshasa Motorcycle Club), ayaa laftoodu halkaa tegey maalin kahor imaanshiyihiisa.

Hadalsame Media