Wiil Wasiir ku dhaliilay Facebook oo Gaalkacyo lagu xirey & xiisad ka taagan

0

(Gaalkacyo) 07 Dis 2019 – War haatan naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Facebook.

Sida uu sheegayo weriye Saciid Nadaara oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee caasimadda Gobolka Mudug, waxay arrintu salka ku haysaa dhaliil ku jeedda Wasiir ka tirsan Puntland.

Wuxuu soo qoray: ”Wiil dhallinyara ayaa lagu xiray magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu Facebook-ga ka dhaliilay wasiir ka tirsan xukumadda Puntlaand, taasoo dhalisay in rag hubaysan oo ka carooday xariga loo gaystay ay hareereeyaan xabsiga.”

Maamullada dalka qaarkood ayaa beryihii dambe cadaadis saaraya dadwaynaha iyagoo cag saaraya xorriyadda hadalka.

Hadalsame Media