Siyaasi caan ah balse cunsuri ah oo cunnooyinka Nutella u diidey miro kasoo baxa dal MUSLIM ah oo ku jira dartood!! (Waa dalkee?)

0

(Milano) 07 Dis 2019 – Siyaasiga reer Talyaani ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa ku dhawaaqay inuu qaaddacayo oo aanu hadda kaddib cuni doonin cunnooyinka Nutella, maadaama ay ku jiraan miro lows-ka ku gacalo ah oo loo yaqaanno bunduqa (hazelnut) oo ka baxa Turkiga.

Ninkan ayaa diidmadiisa u daliishadey inuu doonayo inuu sharikadda Nutella oo lafteedu Talyaani ihi ay isticmaasho waxyaabaha kasoo baxa Talyaaniga si ay uga faa’iidaan beeralayda maxalliga ihi.

Salvini ayaa badanaa cuntooyinka maxalliga ah u adeegsada ajende siyaasadaysan, wuxuuna badanaa  Twitter iyo Facebook kusoo bandhigaa isagoo cunaya cuntooyinka Talyaaniga, balse wuxuu sidoo kale hoggaamiyaa Xisbiga cunsuriga ah ee Lega Nord oo uu halku-dheggiisu yahay “Talyaaniga ayaa koow ah.”

Yeelkeede, wax soo saarka beeraha Talyaaniga ayaan kaafin karin baahida ay Nutella u qabto miraha bunduqiga ah, waxayna min Maajo 2018 isticmaalayeen miraha Turkiga 50%.

Turkigu waa dalka ugu badan ee soo saara miraha bunduqa wuxuuna suuqyada dunida ka yahay 70%, waxaana ku xiga Talyaaniga oo soo saara 20% oo qura, sida ku cad tirakoobka Hay’adda Beeraha QM ee FAO.

Turkiga ayaa iib gaynta mirahan rikoodhka ku jebiyay intii u dhaxaysey Sebtembar-Oktoobar, isagoo ka helay dakhli gaaraya $641 milyan oo doollar, labada bil ee ugu horreeya xilli gurashada mirahan, taasoo labalaab ka badan intii hore.

Hadalsame Media