DF Somalia, CCW & dadwaynaha qaarkood mid bay is dar-dar ku qoreen midna waaba kaga sii dareen!!

0

(Hadalsame) 07 Dis 2019 – GAR NAQSI: AAW wuxuu muujiyay is dar’dar iyo inuusan aqoonin umadda uu la hadlayaa nooca ay tahay, dhaqankeeda iyo waxa ay aamisan tahay.

DF waxay muujisay is dar-dar iyo inay siyaasadda ka gamaartay kaddib markii ay u muuqatay mid yool caato ah ka dhex raadinaysa faafinta hanjabaadda Xasan Daahir.

CCW wuxuu kasii daray markii uu kusii adkaystay khaladkiisii ee uu bilaabay inuu culimadii la doodo magacyana u bixiyo, isagoo wixii u ekaysiinaya sidii in siyaasad la isku hayo, halkii uu inta cudur daarto arrinta dhanba mar hore iska xirir lahaa.

DF waxay kasii dartay markii uu Wasiir dhami sheegay in Xasan Daahir ”diin difaacayo”, iyadoo ay dadku is waydiinayaan sababta uu maxbuus xag-jirnimo u xirani u fadwoon karo isagoo weliba ka gows haysta DF oo uu ”xabsi ugu jiro.”

Dad badan oo shacab ah ayaa iyaguna muujiyay inaysanba ku baraarugsanayn waxa laga hadlayo, waxay se kaga sii dareen inay wax kasta difaaci karaan oo uusan jirin mabda’ ay aaminsan yihiin iyo xad ay leeyihiin, xitaa koleey diintana ku tahay.

Sidoo kale waxaa jira shacab badan oo AAW aan diin jacayl kula dagaalsanayn, balse fursaddan uga faa’iidaystey si ay bud ula koraan. Yeelkeede, qof baa ku doodi kara soow isagu halkaa isma dhigin.

Maxaa yaab taagan!

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media