Imaaraadka Carabta oo markale muujiyay inuu kasoo debcey siyaasaddiisii ku aaddayd foowdaynta Somalia (Hal arrin oo aan weli la aamini karin)

0

(Abuu Dabeey) 07 Dis 2019 – Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Imaaraadka,  Dr Anwar Mohammad Gargash, ayaa mar uu ka hadlayay shir goboleed ka dhacay caasimadda Abu Dabeey wuxuu sheegay in aanay doonayn hardan ay la galaan dalalka gobolka oo ay Somalia ka mid tahay.

“Weli waxaa jirta fursad lagu hirgelin karo diblomaasiyad wadareed dhex marta Somalia iyo Imaaraadka”, ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay HAN.

Wuxuu intaa daba dhigay inuu ku baaqay wax uu ku sheegay diblomaasiyad keeni karta xal waaqici ah, nabdoon isla markaana jiri kara.

Xiriirka Somalia iyo Imaaraadka ayaa madmadow galay kaddib markii ay DF Somalia iska diiddey war loo yeerinayay oo ahaa go’doominta dalka Qadar.

Wuxuuse barta karka gaarey oo cirka isku shareeray kaddib markii lacag 10 milyan ah lagu qabtay diblomaasiyiin Imaaraati ah 8-dii Abriil, taasoo keentay inay Imaaraadku joojiyaan ciidamo ay Somalia ku tababari jireen oo doodi ka taagnaan jirtey waxa ay yihiin 15-kii isla Abriil 2018.

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa labada dal ka dhexeeyay xiriir heer hoose ah diblomaasiyad ahaan, waloow ay jireen madaxda gobollada oo lacago ka qaad qaata si loo foowdeeyo dowladnimada dhismaysa ee dalka Somalia.

Si kastaba, lama hubo inuu warkani yahay mid ka go’an Imaaraadka iyo inuu yahay mid uu kusoo cid galayo, xilli ay doorashadii soo dhowdahay.

Hadalsame Media