Somalia waxaa jooga CIIDAMO aan la aqoon, iyaguna aan is aqoon! (Muuqaal qarsoodi ah)

0

(Muqdisho) 05 Dis 2019 – Dalka Somalia ayaa waxaa ka socda howlgal nabad ilaalineed oo haatan gelaya sanadkii 13-aad oo xiriir ah oo uu mas’uul ka yihiin Midowga Afrika/QM.

Yeelkeede, waxaa misna gobollada dalka iyo caasimadda wada jooga ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan qaarkood wax diiwaan ah laga haynin sababta ay u joogaan iyo waxa ay qabtaan.

Waxaan helnay gabal muuqaal ah oo af Spanish ku hadlaya oo lagu duubay gudaha Xalane, waxaana ka muuqanaya nin lebbisan gaashaanka ciidamada, balse aan wax calaamad ah wadan oo sheeganaya inuu yahay, balse sheeganaya inuu yahay ”ka tala bixiye amaan” balse loo badinayo calooshii u shaqayste ka tirsan Bancroft.

Bancroft waxay isu sawirtaa hay’ad wax hormarisa oo aan faa’iido doon ahayn ahaan, waa sida NGO oo kale, xal u raadisa ma hadhooyinka ay dagaalladu sababaan.

Waxay Muqdisho ku haysataa saraakiil howl gab ah oo 40 gaaraya oo kala socda Faransiis, Koonfur Afrikaan, Swedish, British, waxay iskugu yeeraan ”macallimiin”, sida ninka muuqaalka ka muuqanaya.

Raggan ayaa lacag dhan 7 milyan ku qaata inay ”tababaraan” ciidamada Uganda iyo Burundi. Kaddib halkaa ayay ku go’aysaa warbixintu.

Hadalsame Media