Sarkaal booliis ah oo shaqadii laga joojiyay kaddib markii uu mayd kula kacay fal yaqyaqsi leh!

0

(Los Angeles, CA) 04 Dis 2019 – Sarkaal Booliis ah ayaa shaqadii laga joojiyay kaddib markii lagu helay isagoo taataabsanaya naasaha haweenay mayd ah, mar uu howl ka hayey Los Angeles.

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa loogu yeerey qofka dhintay isaga oo uu wehliyo askari kale, markii uu shilkani dhacay.

Ninka ayaa ka faa’iidaystey mar uu qofkii la socdey gaariga wax ka doonay, wuxuuna xitaa isku dayay inuu damiyo kaamiro jireedka ku rakiban, kahor inta aanu bilaabin inuu maydka salsalaaxo.

Saraakiisha Booliiska Los Angeles ee LAPD ayaa sheegay in shilka dhacay oo 2 daqiiqo socdey ay duubtay kaamiradu, kaddibna lagu helay baaritaannada joogtada ah ee la sameeyo.

Afhayeenka Booliiska LAPD, Josh Rubenstein ayaa u sheegay LA Times: ‘in markii ay arrintan naxdinta eh arkeenba ay baaris bilaabeen, isla markaana ninkan la xannibay.’

Hadalsame Media