”Caawiya ragga idin kufsanaya!!” – Muran ka taagan film sameeye Hindi ah oo soo jeediyay in ”KUFSIGA la sharciyeeyo” (Aragtiyo jirran oo uu soo bandhigay)

0

(Hyderabad) 05 Dis 2019 – Nin Hindi ah oo film soo saare ah ayaa lagu cambaareeyay soo jeedinta aragti yaqyaqsi leh oo ku dhisan wax uu ku sheegay ‘kufsi dhib la’aan ah.’

Ninkan oo Hindi ah ayaa soo jeediyay in la sharciyeeyo kufsiga haddii aan gabadha dhib loo gaysanayn, weliba wuxuu soo jeediyay inay dumarku soo qaataan ”kondhom isla markaana ay u dhega nuglaadaan kufsadaha.”

Daniel Shravan ayaa warkan sheegay kaddib markii la helay maydka gabar la oran jirey Dr Priyanka Reddy, 27 jir xoolaha dawaysa, oo lagu xooray meel buundo ah hoosteed, magaalada  Hyderabad ee dalka Hindiya, kaddib markii ay kufsadeen dhowr nin oo kusoo khiyaamay inay taayar banjarin ka caawinayaan.

Ninkan film sameeyaha ah ayaa deeto soo tweet gareeyay dhowr qoraal oo uu hadda masaxay, kuwaasoo uu ku sheegayo in ‘kufsigu aanu ahayn umuur halis ah, balse aan dilka loo qiil samayn karin,’ isagoo soo jeediyay in la sharciyeeyo kufsiga dhib la’aanta ah, si haweenka loo badbaadiyo.’

Shravan ayaa kasii daray isagoo soo jeediyay aragtidii ugu jirranayd uguna axmaqsanaydna yiri: ‘Haddii lagu kufsan rabo, ninka u dhiib kondhom, lana shaqee marka uu gudanayo baahidiisa jinsi. Haddii aad sidaa yeeshaan waxba idiin gaysan maayaan kufsadayaashu,’ ayuu yiri.

Dr Priyanka Reddy

Hadalsame Media