Dablay weerar ku qaadday guri ay deganayd gabar…

0

(Garoowe) 05 Diseembar 2019 – Hal ruux ayaa ku dhintay weerar koox dabley ah ay xalay fiidkii ku qaadeen guri ay deganeyd haweeney ka hawlgasha xafiiska UNSOM, kaasoo ku yaalla Jidka Soddonka ee Garoowe, Puntland.

Ruuxa dhintay ayaa la sheegay in ay ahayd gabar dhallinyara ah oo ka tirsaneyd qoyska Luul Axmed oo ah haweeneyda weerarka lagu soo qaaday gurigeeda ee  u shaqeysa UNSOM.

Kooxda ayaa marki ay dileen gabadha waxay bambo gacmeed ku tuureen guriga iyadoona wararku sheegeen un bamkaasi uusan geysan wax khasaare ah marki laga reebo burbur soo gaaray darbiga hore ee guriga.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in kooxdii falka dilka ah geysatay ay ka baxsadeen goobtii dilku ka dhacay.

Goobjoogayaal ka agdhawaa goobta falku ka dhacay ayaa sheegay kooxda falkaasi geysatay ay ahaayeen laba ruux oo ku hubaysnaa bistoolado kaddibna marki falku dhacay ay jiha walba xabado u fureen.

Waa weerarkii labaad ay kooxa hubaysani kusoo qaadaan haweeneydaan oo ka shaqeysa xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNSOM.

Weerarkaan ayaa la sheegay in ay ka badbaadday haweeneydaasi iyadoona  wararka qaar ay sheegayaan in wax yar uun kahor xilligii weerarku dhacayay ay guriga gashay.

 

Hadalsame Media