BLACK FRIDAY: Wargayska Corriere dello Sport oo ceeb & fadeexad dhex taagan!! (Muxuu qoray?)

0

(Roma) 05 Dis 2019 – Warqaadka Corriere dello Sport ayaa bartamaha ka taaga ceeb iyo fadeexad cunsuriyadeed kaddib markii uu ciyaarta adag ee Jimcaha ee Inter-Roma uu ku dhejiyay ciwaanka dood dhaliska ah ee ‘Black Friday’.

Cinwaanka ayaa tilmaamaya ifafaalaha dukaamaysi ee Black Friday, balse waxaa loo fahmey mid lagu durayo xiddigihii hore ee Manchester United ee Romelu Lukaku iyo Chris Smalling, oo haatan u kala safta Inter iyo Roma.

Arrintan ayaa kicisay dabayl wilwilo ah oo ay baraha bulshada ka rideen shacabka, waxaa sidoo kale aad uga dhiidhiyay labada naadi iyo Fiorentina oo kulligood dhaliil u jeediyay wargayska.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii 20 naadi oo Serie A ihi ah ay beri dhowayd saxiixee warqad ku baaqaysa in go’aanno adag laga qaato cunsuriyadda, jeer uu sanadkan Talyaanigu xarun u noqday masraxyo foolxun oo midab takoor ah.

Il Corriere oo Roma kasoo baxa, ayaan weli dejin qoraalkan uu boggiisa hore saaray, isla markaana ma bixin wax raalli gelin ah, isagoo weliba ii sheegay in Talyaanigu aysan fahamsanayn waxa cunsuriyadi tahay.

Hadalsame Media