Goorta & goobta ay xulka Somalia ciyaarayaan kulanka ugu horreeya

0

(Kampala) 05 Dis 2019 – Kulanka ugu horeeeya tartanka CECAFA wuxuu dhexmari doonaa Somalia vs Djibouti, labadaan xul ayaana ku wada jira group-ka A.

Gegada Kabaka Kyabaggu Sports Stadium ee ku yaalla dagmada Wakiso ayey ciyaartu ka dhici doontaa maalinnimada Sabtiga.

Wadada Kampala-Hoima Road ayaa dhinac marta, dadka ku nool Uganda waxey ii sheegeen in garoonka uusan aheyn mid lagu qanci karo qaab ahaan.

Waqtiga ma xaqiijijn karo laakiin waxey u badan tahay 4:00 Galabnimo.

UGANDA VS BURUNDI

Dhinaca kale Uganda waxey kulankooda ugu horreeya la ciyaari doonaan Burundi.

Garoonka Mandela National Stadium ayey ka dhici doontaa ciyaartooda, waana garoonka aad sawirka hoose ka aragtaan.

Xiriirka kubadda cagta Uganda ee (FUFA) ayaa lacag la’aan ka dhigay kulankaas si ay taageero badan u yimaadaan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media