Toyota oo farsamaynaysa gaari aan abidkii shidaal & dabayn u baahan doonin!!

0

(Tokyo) 04 Dis 2019 – Gaari dabka ka qaata cadceedda oo aan abid u baahnayn inuu dab ka helo il kale waa wax u muuqda mustaxiil, balse sharikaadka Toyota, Sharp, iyo NEDO (New Energy and Industrial Technology Development Organization of Japan) ayaa cududdooda isugu gaynaya inay ka dhabeeyaan.

Sharikaadkan ayaa isu gaynaya qashaafaadka tamarta ka nuuga qorraxda kuwa ugu wanaagsan, wuxuu ujeedkoodu yahay inay dhisaan gawaari abidkood shaqeeya oo aan dab u baahan.

“Faa’iidada gawaarida elektaroonigga ah waa inaysan u baahnayn shidaal, balse hadda meelo dhaadheer ma gaari karaan,” ayuu yiri Maareeyaha Mashruuca dhanka Toyota, Koji Makino oo la hadlayay Bloomberg.

Hadalsame Media