”Afraad ayuu galay waayo waa Afrikaan” – Garsoorayaasha Ballon d’Or oo cunsuriyad ku eedaysan!!

0

(Paris) 04 Dis 2019 – Garsoorayaasha billadda Ballon d’Or ayaa lagu eedeeyay cunsuriyad kaddib markii ay Sadio Mane kaalinta 4-aad geliyeen, jeer uu 27-jirkani uu waqtigii ugu wanaagsanaa ku qaatay Liverpool oo uu Juun la qaaday Champions League.

Ha yeeshee, waxaa loo gartay Lionel Messi oo urursaday 686 dhibcood, isagoo 7 ka sarreeya Mane saaxiibkii Virgil van Dijk, si uu markii 6-aad u hanto Ballon d’Or.

Laacibkii hore ee Newcastle iyo Aston Villa dadabka midig uga dheeli jirey ee Habib Beye ayaa si caro ku jirto arrintan ugu tilmaamay “fadeexad” isagoo sheegay in Mane la takooray maadaama uu Afrikaan yahay.

“Ma dhihi kartaa Messi ayaa ugu fiican 2019? Maya… Laga yaabee inay dadku tan u arkaan inaan iska eed sheeganayo. Balse isagu [Mane] waa Afrikaan waana sababta 4-aad loo geliyay, si kastaba u dhig sidaa unbaa kuusoo bxaysa,” ayuu yiri isagoo la hadlayay Canal+.

“Waa wada daawaday ciyaarihii Liverpool ee Premier League iyo Champions League maxaa yeelay waxaan labada tartanba u faalleeyaa Canal+. Waxaan ahay Senegalese, waana taageeraa Sadio Mane, balse waa inaan daacad noqonnaa,” ayuu daba dhigay.

“Qof kasta oo ii sheegaya in Van Dijk uu ka fiicnaa Mane, fadlan ha ii sheego hannaanka uu isticmaalay oo ha ila soo hadlo dood ayaan ogolahay.” ayuu yiri.

Si kastaba, wuu jiraa laacib Afrikaan ah oo abaalmarintan ku guulaystey waana George WEAH oo iyada iyo midda adduunkaba wada qaatay 1995-kii.

Hadalsame Media