Khabiir Kenyan ah oo si aan ku talagal ahayn u muujiyay damaca Kenya ee Somalia

0

(Nairobi) 04 Dis 2019 – George Musamali oo ah Kenyan ka tala bixiya arrimaha amaanka, ayaa tilmaamay in dhacdooyinka gobolka Gedo ay yihiin kuwo sida uu yiri ay DF Somalia ku muujineyso awooddeeda, taason Kenya welwel gelinaysa, sida uu yiri.

“Waxa Gedo ka dhacaya, waa dowladda Soomaaliya oo muujineysa awooddeeda, oo Kenya ku leh ma aqoonsanin maamulka Jublanad. Go’aanka madaxweyne ku-xigeenka Jubaland loogu diiday inuu galo Gedo ee uu ugu xaniban yahay Kenya waxay muujinaysaa sida DF ugu awood badan tahay Gedo.” Ayuu yiri Musamali oo waraysi siinayay laanta af Ingiriisiga ee idaacadda Codka Maraykanka (VOA).

Musamali ayaa sidoo kale sheegay in saamaynta Kenya si tartiib ah looga joojinayo Gedo, oo ah gobol ay xuduud la wadaagto iyagoo lagu beddelayo ciidamada Itoobiya.

“DF Somalia waxay cayrsaneysaa Kenya, Kenyaanka waxaa laga reebayaa howl-gallada Gedo, waxaana lagu beddelayaaa ciidamo Itoobiyaan ah oo Muqdisho saaxiib la ah, waxaana dhowaan arki doonnaa dhaqdhaqaaqyo culus oo halkaas ka dhaca” ayuu saadaaliyay.

Musamali ayaa sida uu qabo wuxuu gobolka Gedo halis amni qaran ku noqon karaa Kenya isagoo gobolka uga hadlaya sidii meel aan cidina lahayn oo ay Kenya daneheeda ka ilaashato, isla markaana ay tahay in ay Nairobi ka welwelsho.

“Maadaama hadda Kenyan-ka laga saaray Gedo oo ay dano badan ka leedahay, waxay taasi halis amni ku tahay Kenya, sababtoo ah ma naqaan waxa ay sameyn doonaan ciidamada Itoobiya. Kenya waa inay arrintan ka walaacdaa.” Ayuu si dhiirran u yiri.

Hadalka Musamali ayaa imanaya ayada oo inta badan maamulka gobolka Gedo uu u gacan galay dowladda Soomaaliya, kaddib markii ciidamadii Jubaland ee gobolka ay shaaciyeen inay ku biireen Ciidamada Xoogga Dalka ee hoos taga DF Somalia, arrintan ayaana muujinaysa inaysan Kenya Somalia u joogin nabad ilaalin.

Hadalsame Media