ISKA JIR: TV-ga ma adigaa daawada mise isaguna wuu ka daawadaa?!! – FBI-da oo digniin cusub soo saartay! + Sawirro

0

(Washington, DC) 03 Dis 2019 – Dad badan, daawashada telefishanku waa u hiwaayad ku dhameeystaa xilliyada firaaqada — yeelkeede TV-gaagu armuu laftiisuna ku daawanayaa?

Booliiska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa haatan soo saaray digniin ku aaddan in shaashadaha smart-ga loo yaqaanno ee internet-ka ku xiriirsan ay burcadda internet-ku u adeegsan karto maxaddo ay kaa daawadaan laftaada TV-ga daawanaya, isagoo aqalkiisa dhacadiida.

Shaashadaha fidsan ee casriga ah ayaa waxay caadiyaan leeyihiin kaamiro iyo mikrafoon ay qolyaha internet-ka ka qoowlaystaa u adeegsan karaan inay kaa daawadaan, taasoo meel uga dhici karta khusuusiyaddaada, sida laga dhigey.

Waxay qolooyinkani sidoo kale shaashadaha aan xirnayn u adeegsan karaan sidii buundo ay ugusii tallaabaan kuna dhex galaan router-ka aad internet-ka ka qaadato, taasoo u sahlaysa inay usii gudbaan xogaha kombiyuutarkaaga iyo telefoonkaaga smart-ga ah.

SIDEE UGA SIRAAD KORI KARTAA? Waxay FBI soo jeedinaysaa in uu qofku akhriyo siyaasadaha khusuusiyadda la xiriira ee TV-ga kaddibna ay iska saxaan wixii aan dantiisa waafaqayn balse aanay kaliya iskaga tiirsanaan sida ay shaashaddu kusoo baxday.

Waxay kaloo soo jeediyeen in meesha isha oo kale ah oo ay ku taallo kaamirada shaashadda lagu dhejiyo koollo koronto, si aysan waxba u arkin.

Hadalsame Media