DHEGEYSO: Maanta waa toban guuradii tahluukada qaraxii Hoteel Shaamoow

0

(Hadalsame) 03 Dis 2019 – Maalinta oo ah 3-da Diseembar, waxay ku buuxdaa toban sano markii qarax uu ka dhacay hoteelka Shaamo oo ay ka socotay xaflad qalin jebin ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo ay ku jirana ardaydii qalin jebinaysay, wasiiro iyo dhaqaatiir.

Qaraxan waxaa gaystay sida la aamisan yahay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wuxuu ka mid yahay weerarrada arxan darrada ah ee aan xitaa insaaniyadda meelna kasoo gelin diin Islaam iyo dhaqan suubban haba joogtee.

Hoos ka dhegeyso warbixin uu ka diyaariyey Haaruun Macruuuf.

Hadalsame Media