CUNSURIYADDA SUUQA SHAQADA: Wuxuu dhameeyay ilaa Master balse wuxuu codsaday 273 shaqo midna kama helin!!

0

(Stockholm) 03 Dis 2019 – Ninkan deggan Bredäng ee Abel Abraham haatan wuxuu madax ka yahay arrimaha bulshada ee kooxda kubadda cagta Swedish-ka ah ee Hammarby Football, wuxuu xitaa shaqadiisa ku qaatay abaalmarin sanadle ah, balse jidka uu soo maray iyo waxa uu soo mutay mid maqsuudi ah maaha.

Waalidkii waxay kasoo jeedaan Eritrea. Isagu se wuxuu ku dhashay kuna koray Rinkeby. Wuxuu noqday nin dhameeyay waxbarasho heer jaamacadeed ah oo bachelor iyo masterba leh, balse markii uu shaqo raadin bilaabay, jid kasta waa soo xirmey.

”Waxaan dalbaday 273 shaqo, mar qura ayaan helay in waraysi la iga qaado, balse taa lafteedu intaa siima dhaafin.” Inta kale oo ah 272 jawaabtu waxay ahayd otomaatig. “Ku mahadsanid codsigaaga”.

”Waxay i gaarsiisey heer aan dareemo inaanan wax qiimo ah lahayn. Dadaal intaa ka badan oo aan samayn lahaa muxuu yahay?” ayuu is waydiiyay.

Markii Abel la waydiiyay sababta uu ugu malaynayo inay caqabaddu ka timid wuxuu si leexleexad la’aan ah u sheegay inay qayb ahaan ugu wacan tahay magaciisa iyo muuqaalkiisa qalaad, wuxuu kaloo shirkadaha usoo jeediyay inay dhaqankaa bedelaan oo qortaan dad kala nooc ah, isla markaana ay tagaan xaafadaha ajaanibta oo kasoo qortaan dhallinyaro badan oo wax baratay balse bilaa fursad ah.

Hadalsame Media