QUURSI QARAN: Xukun noocee ah ayuu mudan yahay qofkii bahdila astaan qaran?!! (Sidee wax u dheceen?!!)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2019 – Fannaanada caanka ah Lady Gaga taageeraha ugu badan waxa ay ku leedahay Wadanka Shiinaha. Bandhig fanneed ay ku qabaneysay magaalada Shanghai ayay iyadoo qaawan oo aan hoos-gashi xirneyn waxa ay soo huwatay Calanka Jamhuuriyada China.

Durbadiiba Baarlamaanka Shiinaha ayaa ka fariistay iyaga oo u arkayay inay bahdishay Astaan Qaran waxa aynna ku xukumeen inta nolosheeda ka dhiman inaysan Geyiga China lug soo dhigi karin.

Justin Bieber oo magaalada Sao Paulo, Brazil 2016 ku qabanaya bandhig fanneed malaayiin dad ah ay kasoo qeyb galeen ayaa taageerayaasha waxa ay masraxa ku tuureen caagad biyo miyasaxo ah; inta uu carrooday ayuu Calanka Brazil qoyaanki dhulka gaaray ku masaxay.

Maxkamada sarre ee Brazil ayaa degdeg ugu xukuntay 21 sano xarig ah ama inuusan inta cumrigiisa ka dhiman wadankooda kasoo gelin.

Beyonce, Jay Z, Kanye West & Rihanna (Roc-A-Fella) oo bandhig socdaal ku mari lahaa Woqooyi Bari Eeshiya ayaa si quursi ku jiro waxa ay Warbaahinta uga dhaheen “Malaysia ma waayeen calan kale waa iyaga kii Mareykanka qaatay e”. Hadalkaas dartiis ayay afartaas fannaan ee Million Dollar Voice la isku yiraahdo ku waayeen malaayiin lacag ah waxaana xayiraad ebid ah laga saaray Dalka Malaysia.

Jillaaga Caanka ah ee Brad Pitt, daawashada film kiisa ‘Seven Years in Tibet’ waxaa laga mamnuucay Jamhuuriyada China isagana waxa uu ku xukuman yahay hadii lagu karo deegaannada Tibet, Mangolia iyo qeybo China kamida in la daldalo.

Ujeed keygu waxa uu yahay: Calanka Buluugga ah ee Xiddigta cad dhexda kuleh ciddi yasmo iyo quursi kula kacda iska dhaaf abuurka ama suurada aan ku gefo e waxaan inkirayaa jiritaan kiisa – calamo xaafadeed yada & calamo beeleed yada ma aqoonsani mana aqaano sidaas oo ay tahay uma gefaayo aniga Calankaas ayaan leeyahay ku xad-gudubkiisana xasaasiyad ayaan ka qabaa, cidna ugama heybeysanaayo, cidna uguma cudur-daarayo; ciddi aan qadarin u heynna agteyda wax qiimo & qaayo ay ka leedahay ma jirto!

Waxaa Diyaariyay: Liibaan Cabdi

Hadalsame Media