Maraykanka oo wacad ku maray inuu taageerayo Ciidanka Xoogga Somalia (Weerar dhacay)

0

(Muqdisho) 01 Dis 2019 – Maraykanka ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya DF Somalia, ay ciidamadiisa Taliska Afrika saldhigta ee U.S. Africa Command ay fuliyeen laba weerar oo isku mar ka dhacay xarumo ay Al Shabaab ku leedahay meel u dhow Jilib, Somalia.

”Waxaannu qiimaynaynaa natiijada weerarkan cireed, ha yeeshee, waxaan qiyaasaynaa inaysan jirin dhibaato soo gaartey dadka rayidka ah.” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.

Taliska Maraykanka ee Africa Command ayaa sheegay inay DF Somalia kala shaqayn doonaan sidii ay ciidamadeedu gacanta ugu wada dhigi lahaayeen amaanka dalka Somalia.

”Annaga oo taageeranayna DF Somalia, wuxuu Maraykanku adeegsan doonaa hab kasta oo ku habboon ama wax ku ool ah, sidii loo ilaalin lahaa amaanka shacabka, sida in iskaashi ciidan oo argagixiso la dirir ah la siiyo DF Somalia.” ayuu u dhignaa qoraalku.

Maraykanka ayaa beri dhowayd sheegay in uu Ciidamada Xoogga Somalia siinayo qalab ciidan oo ku kacaya 26 milyan oo doollar, si ay u xamilaan howlaha amaanka.

Hadalsame Media