SIRTA GUUSHU waa qofkii aad guursato (Daraasad ay soo saareen culimada Cilmu-nafsiga & 3 qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2019 – Sida ku xusan daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan jaamacadda Carnegie Mellon University, lamaanayaasha is taageera ayay “aad ugu badan tahay inay qaadaan tillaabooyin ay ku guulaystaan.”

Kaddib markii ay u kuur galeen 163 lamaane oo is aba, waxay cilmi baarayaasha oo yaqaanna Cilmu-nafsigu soo heleen in gaar ahaan ragga qaba xaasas howlohooda ku taageera ay la kulmaan koritaan shakhsi ah, farxad iyo faya qab niyadeed, sida uu sheegay Brooke Feeney, oo wax ka hoggaaminayay daraasadda oo ay fulisey kulliyadda Dietrich College of Humanities and Social Sciences ee isla jaamacadda.

Dad badan ayaa hela qof garab taagan markasta oo uu tillaabo qaado, halka lamaanayaasha qaarkood ay wax kasta ku doodaan ama isku khilaafaan.

Tusaale ahaan, MW hore ee Barack Obama ayaa guulaha uu gaarey wuxuu in badan u aaneeyaa taageerada uu ka helo xaaskiisa Michelle.

“Sida cad, ma samayn kareen wax kasta oo aan sameeyay Michelle la’aanteed,” ayuu Obama u sheegay Oprah Winfrey sanaddii 2011.

“Waxaad i waydiisey hadaatey waxa iigu wacan caafimaadka niyadeed, waxa miisaanka ii sameeya, waxa igu caawiya inaan cadaadiska u gigsad. Waa haweenaydan da’da yar ee halkan fadhida… Waxaa dhagaxa aan ku tiirsado oo aan maalin walba ku tashado.” ayuu yiri Obama.

Maareeyaha Guud iyo Milkiilaha Facebook ee Mark Zuckerberg ayaa isna sheega in Priscilla Chan ay tahay qofka ka caawisay guulaha nolosha mar uu ka hadlaya Jaamacadda Harvard 2017-kii. Waxaa sidoo kale la xusay fanaanadda Beyonce iyo duqeeda Jay Z.

Daraasaddu waxay sheegtay inay jiraan 3 waxyaabood oo muhim u ah guulahan sida; in xiise loo muujiyo fursaddii soo baxda, jaalkaaga lagu cadaadiyo inuu qaato iyo in laga sheekaysto faa’iidada ku jirta.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media