MUQDISHO: Shirkad dayuuradeed oo falfal-xumo kula kacday rakaabkeedii (Maxaa dhacay?)

0

(Muqdisho) 30 Nof 2019 – Dayaarad ayaan shalay ka raacay garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho. Heshiis kasta oo ay sharikaddu ila gashay iyadaa jebisay, raalli gelinna kamay bixin.

Kursiga aan fariisan doono, xilliga ay kacayso iyo muddada safarka intaba qoraal ayay igu siisay, mid kastana waa ay uga baxday aniga iyo mid kasta oo ka mid ah rakaabkii faraha badnaa.

Laba saacadood in ka badan ayay ka dib dhacday xilligii ay kici lahayd oo ku asteysnaa tobanka.

Inkasta oo kursi loo asteeyay musaafir kasta, haddana shaqaalaheeda ayaa noo sheegay, dhiirrina geliyay in qof waliba uu fariisto kursiga uu doono taas oo horseedday is dhex yaac.

Muddadii safarku waxay noqontay midda tikitka ku qornayd barkeed, xilligii ay degi lahayd waxay ka dib dhacday saacad in ka badan, muddadaas oo ku dhow inta aan hawada ku jirnay.

Carruur badan iyo waayeel intuba waa ay la socdeen dayaaradda iyo dabcan rakaabka kale oo isaguba leh xuquuq.

Rakabka qaarkii dadkii ku sugayay garoonka aan ka degnay, dhib weyn ayaa ka qabsaday.

Intaas oo ballanfur iyo heshiis jebin ah sharikaddu kama bixin wax raalli gelin ah.

Waa xad gudub ay tahay in uu istaago. Mana filayo sharikaddu in ay ka macaashi doonto in ay isku daydo in ay sidaas lacag uga sameyso rakaabka.

Maaddaama ay is og tahay sharikadda aan ka hadlayo, ha is qabato oo ha la qabsato horumarka adeegga dalka, inta aan daadku qaadin oo aan looga guurin Sharikado ka adeeg, ballan iyo xaqdhowr wanaagsan.

FG: Goobjooguhu ma carrabaabin magaca shirkadda balse iyadaa is og.

Waxaa Qoray: Goobjooge Yuusuf Garaad

Hadalsame Media