Waa sidee weriyihii Falastiiniga ahaa ee isha laga toogtey?!

0

(Gaza) 30 Nof 2019 – Weriyaha Falastiiniga ah ee Mucaad oo ka sheekeynaya xabadda isha ka gashay ee maskaxdiisa fadhisa

Saxafiga reer Falastiin ee Mucaad Camarnah ayaa ka warramay xabaddii uu askariga Yuhuudiga ah kaga dhuftay isha mar uu ku guda jiray howlihiisa saxafinimo, kaddibna xabaddii isha ka gashay ay dhex fariisatay maskaxda.

Wareysi uu siiyay telefishinka ‘Ten’ maanta oo Axad ah ayaa wax auu xusay in illaa iyo haatan ay dhaqaatiirtu ku sameeyeen saddex qalliin, isla markaana 3-4 qalliin oo kalena ay u harsan tahay, haatanna dhaqaatiirtu ay darsayaan sida jirku ula fal galayo rasaastaasi madaxa kaga jirta.

Camarnah oo 35 jir ah, una soo warramayay shabakadda ‘Sanad’ ayaa sheegay in haddii xabadda madaxa ku sii jirto ay halis tahay, haddii la doono in la soo saarana ay Qatar kale tahay, balse uu ILAAHAY talo saaranayo.

Warbaahinta caalamka oo idil ayaa la danqatay dhibka gaaray weriyahan reer Falastiin iyadoo la arkayay telefishinnada iyo baraha bulshada oo iyagana isha soo xirtay iyagoo ka careysan xabaddii gardarrada ahayd ee lagu dhiftay weriye Mucaad.

Xigasho: Ishawararka.net

Hadalsame Media