”Waa nasiib darro in Madashu iska soo saarto hadal aysan hubsan!”

0

(Dhuusamareeb) 30 Nof 2019 – Xildhibaanka Cabdixakiin Macallin oo ka mid ah kuwa laga soo doorto Galmudug ayaa beeniyay warar ay faafiyeen mucaaradka oo ku saabsan in ay DF dalka soo gelisey ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM.

Wuxuu Facebook kusoo qoray: ”Ma jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn oo Dhuusamareeb yimid.

”Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn!

”Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah

”Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira.

”Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.” ayuu kusoo koobay Xildhibaanku.

Hadalsame Media