Hal meel oo lagu amaanay dhallinyarada Muqdisho oo lagu dhaliilay kuwa Hargaysa!

0

(Hadalsame) 30 Nof 2019 – Hargeysa waxaad arkaysaa wiil dhallinyaro ah, da’ahaana 30 Jira amaba dhaafay welina na nool waalidiintiisa, wuxuuna quutaa waxay waalidkii soo xamaalaan, haddii uu shaqeeyana waa suuro gal inuu masruufo laakiin ma badna.

Xamar waxaad arkaysaa wiil da’ahaan 20 jira, lama dagana waalidkii wuxuuna dhinac ka dagan yahay magaalada, wuxuu u fooftagaa meel walba oo uu Bariiskiisa ka soo dhacsan karo. Dhallinyartan waa iskoris intooda badan oo waalid kuma tiirsana culaysna kuma hayaan.

Haddaba Hargeysa waxaa kala siman dhaqankan culayska ay waalidka ku hayaan magaalooyin badan balse waa tusaalaha ugu fiican ana aan ogahay iyaguna ay ogyihiin, sababtuna waa “Fule xantii ma moogana”

Dhallinyarada Xamarna waa inta aan ku jecelahay dariiqadan ay adeegsadeen ee ah shaqo kasta oo magaalada taal inaysan ka faanin oo ay qabtaan sababta u weyna waa dhaqanka Caasimadda.

Khudbadii Jimcaha oo idinka soo habsaantay.

Waxaa Diyaariyay: Garaad Yaasiin X. Ismaaciil

Hadalsame Media